Mombasa: 2 haween ah oo lagu qabtay mid ka mid ah daroogooyinka ugu halista badan

0
552

Ciidamada booliiska ee magaalada Mombasa ayaa xiray labo haween ah kuwaas lagu helay daroogada nooca loo yaqaano Cocaine-ta.
Eedeysanayaasha ayaa laga soo qabtay aaga Utange ee deegaan baarlamaaneedka Kisauni ee ismaamulka Mombasa.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa magacyada eedeysanayaasha ku kala sheegtay Aamina Muusa Chirunga iyo Saumu Cali Khamis.
Waxay DCI-da sheegtay in qiimaha lacageed ee balwaddan ay tahay qiyaastii 495,000 oo shilin.
Eedeysanayaasha ayaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago maalinka Isniinta ee ku beegan 27-ka bishan.