Shirkadda maamusho waddada wayn ee Nairobi ExpressWay ee Moja Expressway ayaa bayaan ay soo saartay ku beenisay in habeen ka hore abaare 9:30 ee fiidnimo uu baabuur ka dhacay waddada.
Waxay been abuur ku tilmaantay wararka arrinkan la xiriira ee lagu faafiyay baraha ay bulshada ku wada xiriirto.
Tani ayaa timid ka dib markii baraha bulshada la soo geliyay qoraallo iyo sawirro muujinaya in baabuurka uu ka dhacay waddada uuna u gadoomay dhanka waddada Mombasa Road gaar ahaan aagga xaafadda South C meel aan sidaasi uga fogeyn Bellevue.
Hasa ahaate shirkadda Moja Expressway ayaa sheegaysa in shil noocan ah uunan dhicin.
Accident along A8 road on 14/01/2023 2103 hrs
Our attention has been drawn to a misleading post by Ma3Route purporting that a car was involved in an accident and fell off the Nairobi Expressway on Saturday, 14th January 2023 at 9.03 pm. pic.twitter.com/xFWvMxMI43
— Moja Expressway Company (@mojaexpressway) January 15, 2023
For credible and up to date information on the operations of the Nairobi Expressway, please call our 24 hour Emergency Hotline on 0111039777 or follow @mojaexpressway and @KeNHAKenya for updates and developments.
— Moja Expressway Company (@mojaexpressway) January 15, 2023