Milkiilayaasha suuqyada iyo ganacsatada xaafadda Islii ayaa walaac ka muujiyay dib ugu soo laabashada ganacsatada waratada ah ee ku sugan xarunta ganacsiga ee mashquulka badan, waxaa ayna ugu baaqeen maamulka dowlad deegaanka Nairobi inay si deg deg ah wax uga qabato.
Warqad ay u direen dowladda Nairobi ayay ku sheegeen in ay aad uga xun yihiin dhaq dhaqaaqyada waratada oo soo laba kacleeyay,iyaga oo sheegay in ganacsatada waratada ah ay haatan ku howlan yihiin wakhti ka baxsan waqtigii lagu heshiiyey isla markaana ay bilaabeen in ay farageliyaan howlaha ganacsiga ee inta badan xarumaha ganacsiga ee waweyn.
Warqada ayaa loogu nuxnuuxsaday in waratada loo oggolaado oo keliya meelaha loo cayimay iyo saacadaha gaarka ah, oo aanay ahayn in la xannibo gelitaanka xaruumaha ganacsiga.
Waxaa ay sheegeen in sharciga dhibaataynta dadweynaha uu si adag u mamnuucayo in la is hortaago goobaha ay bulshada ku badan tahay, iyadoo dhanka kale xeer hoosaadka xayaysiisyada bannaanka ee ismaamulka Nairobi iyo xeerarka maamulka goobaha dadweynaha uu farayo dowladda ismaamulka in ay hubiso in waddooyinka iyo meelaha laga soo galo ay yihiin kuwo ka madax banaan dadka sida sharci darrada ah ugu ganacsado.
Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah milkiilayaasha suuqyada Islii, waratada ayaa sidoo kale ka faa’iideysta qabanqaabada aan rasmiga ahayn ee saraakiisha fulinta degmada. Waxaa la sheegay in askarta qaar ay todobaadkiiba ka qaadaan lacag gaareysa 500 oo shillinka dalka ah taasi oo u sahlaysa in ay si xor ah uga howlgalaan waddooyinka hareerahooda marka loo eego sharciga.
Sharciyada dowlad deegaanga Nairobi ee rasmiga ah ayaa dhigaya in waratada Islii loo ogolyahay kaliya in ay ku ganacsadaan waddooyinka laga bilaabo 5 galabnimo iyo wixii ka dambeeya. Si kastaba ha ahaatee, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa la arkayay dad badan oo waratada ah oo soo shaqa galaaya laga bilaabo 9-ka subaxnimo, taasoo si toos ah uga hor imanaysa wakhtigii lagu heshiiyay.
Ilaa hadda, maamulka dowlad deegaanka Nairobi ee uu hoggaamiyo guddoomiye Johnson Sakaja ayaan jawaab rasmi ah ka soo saarin cabashada ay soo jeediyeen ganacsatada xaafadda Islii.