Taliska ciidamada Uganda ee UPDF ayaa beeniyay sheegashada ah inay gacanta ku hayaan rag u dhaq dhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo Kenyaan ah oo lagu magacaabo Bob Njagi iyo Nicholas Oyoo, kuwaasoo la sheegay in lagu afduubtay Uganda.
Kornayl Silas Kamanda, oo ah Agaasimaha Waaxda Sharciga ee Wadajirka ah, oo ka wakiil u ah UPDF, ayaa sheegay in baaritaanno adag oo la sameeyay lagu ogaaday in labada qof aysan ku jirin gacanta ciidanka.
Oyoo iyo Njagi ayaa 1-dii bishan October laga afduubtay magaalada Kampala ee Uganda iyadhoo la sheegay in dadka afduubtay raggan looga shakiyay inay yihiin saraakiisha ammaanka.
Dadka u dooda xuquuqul insaanka ayaa dalbaday in la sii daayo labadan qof, iyagoo ugu baaqay madaxda dalalka Bariga Afrika inay wax ka qabtaan afduubka argagaxa leh ee gobolka, ayna ogolaadaan xorriyadda hadalka.




