Militariga Suudaan oo sheegay inay gacanta ku dhigeen saldhigyo muhiim ah oo ku yaalo El Fasher

0
485

Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF) ayaa ku dhawaaqay in ay dib u qabsadeen fariisimo muhiim ah oo ku yaalla magaalada El Fasher ee Waqooyiga Gobolka Darfur ee Galbeedka Suudaan, halka Ciidamada Taageerada degdega ah ee (RSF-ta) ay sheegeen in ay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Milatari oo dul mareysay magaalada.
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Suudaan ayaa sheegay in qaybta 6-aad ee ciidamadooda dhulka ay si buuxda ula wareegeen saldhigyadii ciidamada Injineerrada iyo Guutada isgaarsiinta iyo Dugsiga taliska ee El Fasher kadib dagaallo xooggan oo khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyay shaqaalaha iyo agabka ciidamada RSF-ta.
Bayaanka ayaa intaa ku daray in gacanta lagu dhigay dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah halka lix kale oo ay ku jiraan gaadiidka gaashaaman la burburiyay ama lagu gubay howlgalka.
Taliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada Cirka ee Suudaan ay Talaadadii howlgal cirka ah ka fuliyeen deegaanka El Fasher, iyagoo isticmaalayay labo diyaaradood oo ay ku gaarsiiyeen sahay cunto iyo dawooyin nafta lagu badbaadiyo, waana howlgalkii labaad ee gaarsiinta gargaarka ee guulaysta wax ka yar todobaad.