Ciidanka militariga ee dalka Sri Lanka ayaa lagu soo warramayaa inuu howlgallo ballaaran ka sameeyay goobo ay dibadbaxyo ka dhacayeen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiisha difaaca ay si buuxda ula wareegeen caasimadda dalkaasi ee Colombo si gaar ah xarunta xoghaynta madaxtooyada .
Saraakiisha ayaa lagu eedeyay inay si arxaan darro ah ula dhaqmeen dibadbaxayaasha .
Militariga Sri Lanka ayaa sidoo kale burburiya teendhooyin laga sameeyay agagaarka goobta loo yaqaano GotaGoGama oo ay mudaharaadyada ka dhaceen.
Waxay xireen 10 ka mid ah hoggaamiyaasha dibadbaxyada iyo ilaa 100 qof oo ka qayb qaadanayay.
Mudaharaadyada Sri Lanka oo ay dadweynaha ku dalbanayaan in lala tacaalo dhaqaale xumida jirta ayaa horseeday inuu wadankaasi iskaga cararo oo uu ugu dambeyn is casilo madaxweyne Gotabaya Rajapaksa.