Militariga dalka Pakistan ayaa sheegay in weerar laga gaystay meel u dhow xadka wadanka Iiraan inay ku dhinteen 4 sarkaal oo ka mid ahaa ciidamada qalabka sida.
Weerarkan ayaa lagu eedeyay koox la sheegay inay ka soo duushay dhanka Iiraan.
Falkan ayaa laga soo tabiyey qaybta Jalgai ee degmada Kech waxayna saraakiishu fulinayeen roondooyin xilligii la weerarayey .
Magacyada saraakiisha lagu dilay weerarka ayaa lagu kala sheegay Sher Axmed, Muxammad Asghar, Muxammad Irfan iyo Cabdu-Rasheed.
Ilaa iyo hadda ma jirta cid sheegatay mas’uuliyadda dhacdadan.
Waddamada Pakistan iyo Iiran ayaa wadaaga xudduud uu dheerarkeedu yahay in ka badan 900 oo kiilomitir oo ay horay uga dhaceen falal amni darro.
Bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu Ra’iisul wasaaraha Pakistan ,Shahbaz Sharif uu si kulul u cambaareeyay dil afar sarkaal loogu gaystay gobolka Baluchistan.
Ugu yaraan 13 qof ayaa xilligaasi ku dhaawacmay tareen rakaab siday oo lagu qarxiyey degmada Bolan ee gobolka Baluchistan.