Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ciidamada militariga ee dalka ku amray inay wasaaradda tacliinta kala shaqeeyaan dib u dhiska xarumaha waxbarasho ee ay burburiyeen burcadda.
Tani ayuu sheegay inay fududeyn doonto in ardayda ay muddo kooban gudaheeda dib ugu laabtaan dugsiyada.
Ruto ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qaybo ka mid ah dalka ay saameyn ku yeesheen kooxo burcad ah oo dilal u gaysanaya shacab nabadda jecel oo aan waxba galabsan.
Waxaa uu madaxweynaha dalka hoosta ka xarriiqay in falalka burcadnimo awgood ay qoysas badan barakaceen sidoo kalena hakad la geliyay bixinta adeegyada bulshada iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay inay qasab tahay in la soo afjaro fikirka qaldan ee ah in intii la helo hub sharci darro ah in dilal lagu gaysan karo.
Madaxweynaha oo arrintan ka hadlay xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nakuru ee gobolka Rift Valley ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay cirib tirka dhaca xoolaha , burcadnimada iyo falal dambiyeedyada kale ee laga fuliyo qaybaha dalka.
President @WilliamsRuto said the dangerously misguided idea that people can acquire illegal arms and mobilise to commit criminal acts must stop. https://t.co/rsUusU66wN
— State House Kenya (@StateHouseKenya) March 10, 2023