Ciidamada militariga ee dalka Niger ayaa dowladda Faransiiska ku eedeyay inuu waddamada ku yaalla galbeedka Afrika ka abaabulaya ciidamo iyo agab dagaal.
Tani ayay shaaca ka qaadeen in looga gol-leeyahay in Faransiiska uu guda galo tallaabo militari oo ka dhan ah Niger.
Afhayeenka ciidamada afgembiga sameeyay ee NigerColonel Amadou Abdramane ayaa eedeyntan ka jeediyay telefishinka qaranka ee dalkaasi.
Qaar ka mid ah waddamada uu ka socdo abaabulka ciidan iyo qalabka ayuu ku sheegay Senegal, Ivory Coast iyo Benin.
Hasa ahaate dowladda Faransiiska ayaan weli ka hadlin dhaliisha cusub ee dusha laga saaray.