Militariga ka taliya dalka Myanmar ayaa xaaladda degdegga ee wadankaasi ka jirta ku kordhiyay muddo 6 bilood oo ay sii jiraysa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo sanadguuradii labaad ee ka soo wareegatay xukunka militari ee Myanmar laga cabsi qabo inay dib u sii dhigto qabashada doorashada.
Maamulka militari ayaa horay u ballanqaaday inuu doorasho guud qaban doono bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Go’aanka cusub ayaa waxaa ku dhawaaqay madaxa militariga dalka Myanmar Myint Swe.
1-dii bishii labaad ee sanadkii 2021-kii ayay ahayd markii ciidamada qalabka sida ay hoggaanka ka faro maroojiyeen maamulkii dimuqraadiga ee ay hoggaaminaysay Aung San Suu Kyi.




