Militariga Myanmar oo dilay in ka badan 25 qof

0
462

Ciidamada difaaca ee dalka Myanmar ayaa lagu soo warramayaa in weerar ay ku qaadeen magaalo ku taalla bartamaha wadankaasi ay ku dileen ugu yaraan 25 qof.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka uu yimid ka dib iskudhacyo dhex maray ciidamada iyo shakhsiyaad ka soo horjeeda tallaabadii ay 1-dii bishii labaad ee sanadkan qaab afgembi ah ay kula waregeen talada Myanmar.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ay sare u sii kacayso tirada dadka qaadanaya hubka si ay kaga falceliyaan dhaqdhaqaaqyada militari.
Rabshadaha ka taagan dalkaasi ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 230,000 oo qof sida laga soo xigtay qaramada midoobay.