Militariga Myanmar oo dilay 31 qof

0
162

In ka badan 30 qof ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ciidamada militariga ee dalka Myanmar ay ku bartilmaameedsadeen isbitaal.
Waxaa sidatan wakaaladda wararka ee AFP u sheegay shaqaale goobta ku sugnaa oo xusay in 70 ruux oo dheeraad ah ay dhaawacmeen.
Isbitaalkan oo ku yaalla gobolka Galbeed ee Rakhine gaar ahaan magaalada Mrauk-U ayay galinkii dambe ee shalay bambooyin ku garaacday diyaarad militari .
Xarunta caafimaad oo gebi ahaanba burburtay ayaa waxaa xilligaasi ku sugnaa bukaanno sida uu sheegay Wai Hun Aung oo ka mid ah shaqaalaha samafalka.
Waxaa dhacdadaasi ka dib la hakiyey adeegyada daryeelka caafimaadka ee gobolka Rakhine .
Hay’daha dabagalka ku sameeya dagaallada ayaa sheegaya in tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeye ee 2021-kii , in ciidamada qalabka sida ee waddankaasi ay sanadba sanadka ka dambeeya sii kordhinayeen weerarrada dhinaca cirka ah.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo maamulka militari ee Myanmar uu shaaciyey in ay doorasho dhici doonto 28-ka bishan.