Militariga Israa’iil oo sheegay inuu diyaar u yahay duullaanka dhanka dhulka ee Qaza

0
220

Madaxa militariga Israa’iil Herzi Halevi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay duullaan dhinaca dhulka ah ay ka fuliyaan Qaza.
Waxaa uu sheegay in Israa’iil aynan marnaba doonayn inay joojiso duqeymaha dhanka cirka ah ee ay halkaasi ka wado.
Halevi ayaa bayaan ku sheegay inay damacsan yihiin inay gebi ahaanba burburiyaan ururka Xamaas ee dalka Falastiin sidaasi awgeedna ay si buuxda ugu diyaar garoobeen weerarrada dhanka cirka ee Koonfurta Qaza.
Afhayeenka militariga Israa’iil Daniel Hagari ayaa dhankiisa sheegay inay sugayaan amar siyaasadeed oo la xiriirta tallaabada xigta ee ay qaadayaan.