Militariga Israa’iil oo diyaarinaya qorsho ka dhan ah Xamaas

0
152

Wasiirka gaashaandhigga ee Israa’iil , Israel Katz ayaa militariga u sheegay in ay diyaariyaan qorsho ballaaran oo loogaga adkaanaya ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Qorshahan ayaa la adeegsan doonaa haddii uu fashilmo heshiiska xabbad joojinta ee Qaza.
Dhanka kale , Israa’iil ayaa shaacisay in aan loo gudbi doonin wajiga xiga ee xabbad joojinta Qaza ilaa iyo inta Xamaas ay ka soo wareejinaysa meydadka harsan ee 28 ka mid ah dadkii ay horay gacanta ugu dhigtay.