Militariga dalka oo maanta la geynaya meelaha ay burcaddu saameysay

0
266

Waxaa uu qorshuhu yahay in laga billaabo maanta ciidamada difaaca wadanka in la geeyo deegaano ay ku soo noqnoqdeen falalka amni darro kuwaaso ku yaalla Waqooyiga gobolka Rift Valley.
Kooxo burcad ah ayaa ismaamullada Turkana, Samburu, Pokot, Baringo, Laikipia iyo Elgeyo Marakwet ka gaystay dilal iyo dhaca xoolaha .
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in 6-dii bilood ee la soo dhaafay burcadda ay dishay in ka badan 100 qof oo shacab ah iyo 16 booliis.
Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku xaqiijiyay in saraakiisha militariga maanta la geyn doono ismaamullada ay dhibaatooyinka ka jiraan si ay garab u siiyaan laamaha kale ee amniga.