Ciidamada qalabka sida ee jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee (DRC) ayaa sheegay in ay ka hor tageen iskuday afgembi oo la doonayay in laga fuliyo caasimadda dalkaasi ee Kinshasa.
Waxay shaaca ka qaadeen in qorshahan ay iska kaashanayeen dagaalyahaano shisheeye iyo kuwo u dhashay Congo.
Waxaa sidatan khudbad ku sheegay afhayeenka ciidamada difaaca ee Congo , Sylvain Ekenge .
Hasa ahaate ma uunan caddeyn in la xiray ama la dilay shakhsiyaadkii iskudayay in ay dowladda dalkaasi afgembiyaan.