Maxkamad ku taalla dalka Colombia ayaa ciidamada difaaca ee wadankaasi u jeedisay eedeyn ah inay dileen ugu yaraan 120 qof oo shacab ah.
Eedeyntan ayaa dusha laga saaray 10 ka mid ah militariga Colombia iyo qof rayid ah.
Waxay maxkamaddu sheegtay inay awood adeegsadeen taasoo sababtay in la waayo 24 ruux halka 120 kale oo ay ku sheegeen dagaalyahaano ay dileen.
Waa markii ugu horreysay ee garsoorka Colombia uu ciidamada gaashaandhiga ku eedeyo dilal ay gaysteen.