Dowladda militari ee dalka Burkina Faso ayaa sheegtay inay dib u soo celisay nidaamkii dastuuriga ee wadankaasi lagu maamulayay.
Tani ayaa ku soo aadaysa hal toddobaad ka dib markii ciidamada difaaca ee Burkina Faso ay la wareegeen talada dalkaasi.
Sidoo kale mas’uulkii hoggaaminayay afgembigii dhacay Sandaogo Damiba, ayaa loo magacaabay inuu si ku meel gaar ah Burkina Faso u sii maamulo.
Arrintan ayaa timid wax yar un ka dib markii Midowga Afrika uu si ku meel gaar ah u hakiyay xubinnimada Burkina Faso.
Sidoo kale dibloomaasiyiinta galbeedka Afrika iyo jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa dalbaday in si degdeg ah dib loo soo celiyo hannaankii kala dambeynta ee wadankaasi.