Baabuur gaashaaman oo ay leedahay Israa’iil ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ah ku riday Falastiiniyiin isugu soo baxay meel u dhow xabsiga Ofer ee daanta galbeed ee la haysto, halkaasoo boqolaal qof ay isugu soo baxeen si ay u sugaan sii deynta maxaabiista, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.
Baabuurkan oo ka babanaya calanka Israa’iil, ayaa ku soo dhawaaday xabsiga, iyagoo awood u adeegsaday falastiiniyiinta.
Dhacdadan ayaa ka dambeysay markii la faafiyay warqad digniin ah oo ku saabsan in cid kasta oo taageero u muujisa maxaabiista uu wajihi karo xarig.
Qoysaska maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa isugu soo baxay goobta u dhow xabsiga Ofer iyagoo filaya in la sii daayo.
Sido kale suxufiyiin ku soo dhawaaday xabsiga ayaa lagu kala ceyriyay sunta dadka ka ilmaysiisa.