Milatariga Thailand oo weeraro cirka ah ka geystay xuduudda ay la leedahay Cambodia

0
21

Milatariga Thailand ayaa weeraro cirka ah ka geystay xuduudda ay la leedahay Cambodia iyadoo deriska Koonfur-bari Aasiya ay ku eedeeyeen iskahorimaadyada lagu dilay hal askari oo Thai ah iyo afar qof oo rayid ah oo Cambodian ah.
War-saxaafadeed Isniinta maanta ah ka soo baxay , afhayeen u hadlay militariga Thailand ayaa sheegay in dalkiisa ay diyaaradd u dirtay si ay “u xakamayso” weerarrada Cambodia ka dib markii askari Thai ah uu ku dhintay gobolka Ubon Ratchathani.