Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa howlgal waxay Maanta ku gaareen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay horay ugu sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howlgalka oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jeneraaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidanka waxay ku gaareen degaannada War dhagax, War Ciise, Gaal leef, Qoor dheere, jilable iyo Cali Fooldheere,oo dhamaantooda ay Ciidamadu kala wareegeen dagalameyaasha Al-Shabaab oo horay ugu sugnaa.
Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka Sida Soomaaliya u sheegay inay Xubnaha Shabaabku isaga baxeen degaanada qaar, sidoo kalena uu jiro qasaare xoogan oo ay howlgalkaas ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.
Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu intaasi ku daray in Ciidamada ay weli howlgalka sii wadaan, isla markaana la filayo inay degaano horleh oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kala wareegaan Al-Shabaab.
Degaannada ay Maanta Ciidamada xoogga dalka howlgalka ku tageen ayaa waxaa muddo dhowr sano ah gacanta ku haayay Xubno ka yirsan Al-Shabaab, iyadoo Ciidamada xoogga ay dhowr jeer howlgal ku tageen balse ay dib uga soo baxeen.