Warar dheeraad ah ayaa waxaay kasoo baxsyaan dagaal culus oo Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab Maanta ku dhexmaray degaano u dhaxeeya degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay markii Ciidanka Xoogga Dalka Somaaliyeed ee ku sugan degmada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan ay weerar ku qadeen degaanka Ceelbacad, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culuso oo muddo saacado ah socday sida ay wararku sheegayaan.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay Idaacadda ku hadasha Codka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya in dagaalka ay Ciidamada xoogga dalka ku dileen 25 dagaalame oo ka yirsan Al-Shabaab.
Sidoo kale Taliye Odawaa waxaa uu Tilmaamay inuu jiro khasaaro kale oo ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, hayeeshee ay wadaan tirakoob ku aadan, isla markaana dhawaan ay soo gudbin doonaan.
Wadada xiriirisa degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro kala duwan oo ay Al-Shabaab la beegsadeen Ciidamada dowladda oo wadadaas ku socdaalayay.
GoboladaHiiraan iyo Shabeelada dhexe ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka socday howlgalo Saf-balaadhan ah oo ay wadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Waxayna kula Wareegeen Deegaano badan oo Gobolka shabeelada dhexe ka Tirsan oo ay horay ugu sugnaayeen Dagaalameyaasha Al-shabaab.
Howlagka Al-shabaab ka dhanka ah ee ka socda deegaanada Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa waxaa Hogaaminaya Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Wuxuuna Taliye Odawaa sheegay in qorshuhu Yahay sidee guud ahaanba Gobolada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan looga Sifayn lahaa dagaalameyaasha Al-shabaab oo Weeraro ka gaysta Mararka Qaar.