Milatariga Chad oo sheegay inay ka guuleysteen fallaagada waqooyiga

0
780

Milatariga dalka Chad ayaa guul ka sheegtay Axadii dagaalkii todDobaadyada qaatay ee ay kula jireen jabhadaha waqooyiga ee sababay dhimashadii madaxweyne Idriss Deby.
Hase yeeshee, jabhadda Front for Change and Concord (FACT) ayaa sheegtay in aysan ka warqabin in dagaalka la joojiyo.
Saraakiisha militariga ku meel gaarka ah ayaa horay u sheegay in ay ka adkaadeen fallaagada .
Khilaafka iyo xasillooni darrada siyaasadeed ee ballaaran ayaa si dhow isha loogu hayaa.
Chad ayaa ah quwadaha muhiimka ah ee bartamaha Afrika waana xulufada reer Galbeedka ee muDdada dheer ka soo horjeeda dagaalyahanada isku tilmaama Islaamiyiinta ee ka jira guud ahaan gobolka Saxil.