Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa lagu wadaa inuu racfaan ka qaato go’aan ay shalay maxkamadda sare ee waddanka meesha uga saartay in lagu waayay fal musuqmaasuq ah oo lagu lunsaday 20 milyan oo shilin.
Waxaa go’aankaasi soo saaray garsoore Nixon Sifuna.
Sonko ayaa bayaan uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ku sheegay inuu qareennadiisa ku amray in ay tagaan maxkamadda racfaanka ee dalka.
Waxaa uu xusay inuu yahay muwaadin sharciga u hoggaansama oo qadariya dhammaan go’aammada maxkamadaha sidaasi awgeedna uu guda galay geeddisocod ka dhan ah go’aankii shalay.
Mike Sonko ayaa sheegay in uunan marnaba niyad jabi doonin oo uu sii wadaya ololaha uu caddaalad ku raadinaya.
21-kii bishii 12-aad ee Diseembar ee sanadkii 2022-kii ayay ahayd markii garsoore Douglas Ogoti uu meesha ka saaray dacwad musuqmaasuq oo ay wajahayeen Mike Sonko iyo Antony Ombok oo lala soo eedeyay.
Xaakinka ayaa tilmaamay in caddeymo ku filan loo waayay 13 dacwadood oo labada qof loo haystay.
Hasa ahaate , garsooraha maxkamadda sare ee waddanka Nixon Sifuna ayaa shalay amray in dacwadda uu xaakin kale dhageysto maadaama sida uu hadalka u dhigay uu Douglas Ogoti ku qaldamay inuu Sonko iyo Ombok ka bari-yeelay kiiskii ay wajahayeen.