Mike Sonko oo bixiyay ganaax la saaray nin xaday cunnooyin daruuri ah

0
609

Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa bixiyay 100,000 oo shilin oo ganaax lacageed ahaan loo saaray eedeysane lagu magacaabo Alvin Linus Chivondo.
Ninkan ayaa loo haystay inuu cunnooyin noocyo kala duwan ah ka xaday suuqa wayn ee laga dukaameysto ee Naivas.
Alvin Linus ayaa la xukumay ka dib markii uu qirtay inuu dembiga lagu soo oogay galay.
Waxyaabaha lagu helay waxaa ka mid ahaa bariis ,caleenta shaaha ,sokor, malab iyo saliidda cunnada lagu karsado .
Mike Sonko ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku sheegay inuu Alvin ka bixin doono qarashaadka billaha ee cuunada qoyska sidoo kalena uu shaqaaleysiin doono.
Ninkan oo ay da’diisu tahay 22 sano ayaa maxkamadda ka codsaday inaysan dul dhigin xukun adag maadaama qoyskiisa uunan wax cunning saddex cisho oo xiriir ah.
Waxaa uu maxkamadda u sheegay inuu bilooyin ka hor lumiyay shaqadiisi waratannimo oo uunan ku guulaysan inuu shaqo helo.
Hasa ahaate maxkamadda ayaa go’aamisay in Alvin uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 100,000 oo shilin ama uu xabsiga ku jiro muddo hal sano ah.
Balse Mike Sonko oo lacagta ganaaxa ah ka bixiyay ayaa sheegay inay jiraan qoysas badan oo saboolnimo awgeed wajahaya xaalado nololeed oo adag sidaas awgeedna tallaabada uu qaaday aynan ahayn mid uu ku raadsanaya maqaam siyaasadeed.