Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maraykanka Mike Pence ayaa si rasmi ah u shaaciyay inuu sanadka 2024-ka u tartami doono hoggaanka ugu sarreeya wadankaasi.
Waxay wada tartami doonaan musharraxiin uu ka mid yahay Donald Trump oo uu ku xigeen u soo noqday.
Guddiga ololaha ee Mike Pence oo 63 sano jir ah ayaa qorshaha ololihiisa u gudbiyay guddiga arrimaha doorashooyinka ee Maraykanka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Pence uu ololihiisa madaxweynenimo si buuxda u soo bandhigi doono berri oo Arbaco ah.