Miisaaniyadda dugsiyada oo maanta la bixin doono

0
380

Waxaa maanta la bixin doona miisaaniyadda dugsiyada dalka sida uu maalmo ka hor xaqiijiyay Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Julius Migos Ogamba.
Waxaa uuna ku bogaadiyay maamuleyaasha dugsiyada dowliga ah dulqaadka ay muujiyeen.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay maanta soo saari doonto lacag dhan 21 bilyan oo shilin oo loogu talagalay xarumaha waxbarashada taasi oo laga dib dhacay bixinteeda.
Arrintan ayuu wasiirka ka sheegay shirweynaha arrimaha waxbarashada ee lagu qabtay maqaaxida Lake Naivasha Resort.
Ogamba ayaa dib u dhaca u aaneeyay in maamullada kala duwan ee dowliga ah ay ku looltamayaan kheyraadka aan badnayn.