Miisaaniyadda dugsiyada oo la bixin doono Isniinta

0
652

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Julius Migos Ogamba ayaa maamuleyaasha dugsiyada dowliga ah ku boorriyay in ay dulqaad muujiyaan.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay Isniinta soo socoto soo saari doonto lacag dhan 21 bilyan oo shilin oo loogu talagalay xarumaha waxbarashada taasi oo laga dib dhacay bixinteeda.
Arrintan ayuu wasiirka ka sheegay shirweynaha arrimaha waxbarashada ee lagu qabtay maqaaxida Lake Naivasha Resort.
Ogamba ayaa dib u dhaca u aaneeyay in maamullada kala duwan ee dowliga ah ay ku looltamayaan kheyraadka aan badnayn.