Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka Mr. Ukur Yatani ayaa la filayaa inuu maalinka khamiista ee toddobaadkan baarlamaanka ka hor akhriyo qiyaasta miisaaniyad sanadeedka dowladda.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu soo bandhigo miisaaniyad dhaqaale oo dhan 3.6 tiriliyoon oo shilin si dowladda ay u adeegsato sanadkan iyo 6-da bilood ee ugu horreysa sanadka 2022-ka.
Sanadkii hore miisaaniyadda dhaqaale ee dalka ayaa ahayd 2.91 tiriloyoon oo shilin halka sanadkii ka soo horeeyay ay noqotay 1.83 tiriloyoon.
Waxaa la filayaa in maamulka talada haya ee Jubilee uu sanadkan dhaqaale badan u qoondeeyo wasaaradda caafimaadka si loola tacaalo cudurka COVID19.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo gudaha wadanka laga dareemaya saameynta cudurka uu ku yeeshay wax soo saarka.