Miguna oo sheegay in madaxweynaha dalka uu ka raaligeliyay tallaabadii lagu tarxiilay

0
286

Qareenka lagu magacaabo Miguna Miguna ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in madaxweyne William Ruto uu si shakhsi ah uga raaligeliyay tallaabadii sanadkii 2018-kii garyaqaankan looga musaafuriyay gudaha wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu aqbalay raaligelinta uga timid hoggaamiyaha wadanka.
Miguna ayaa xusay in Ruto uu u sheegay in maamulkii hore uu ula dhaqmay si arxaan darro oo aan caddaalad ahayn.
Qareenka ayaa la tarxiilay ka dib markii uu bishii koowaad ee sanadkii 2018-kii madaxa mucaaradka Raila Odinga uu u dhaariyay madaxweynaha shacabka.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii isbeheysiga talada haya ee Kenya Kwanza uu Miguna Miguna u oggolaaday inuu dib uga soo laabto Canada.