Miguna Miguna oo shaaciyay taarikhda uu Kenya dib ugu soo laabanayo

0
376

Qareenka horay wadanka looga tarxiilay ee ku sugan Canada ,Miguna Miguna ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu dib ugu soo laabanayo Kenya bisha soo socota ka dib ku dhawaad shan sano ka hor oo dalka laga masaafuriyay.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu ka soo ambabixi doono magaalada Toronto ee caasimadda dalka Canada 20-ka bisha 10-aad ee sanadkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in gagida caalamiga diyaaradaha JKIA ee magaalada Nairobi uu ka soo degi doono 21-ka ee isla bishaasi.
Safarkiisa ayaa ku soo aadaya laba cisho ka dib markii uu shaaciyay inuu dib helay basaboorkiisa kenyaanka ah oo lagala wareegay ku dhawaad 5 sano ka hor.
Waxaa uu madaxweynaha dalka William Ruto ku ammaanay sida uu arrintan u soo farageliyay, islamarkaana uu meesha uga saaray amarkii ahaa in diyaaradaha u soo safraya Kenya aynan soo qaadin Miguna.
Dr. Miguna, ayaa dalka laga tarxiilay bishii Saddexaad ee sanadkii 2018-kii, ka dib markii uu hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga u dhaariyay madaxweynaha shacabka Kenya.
Waxaa uu haystaa laba dhalasho oo kala ah Kenya iyo Canada.