Qareenka labada mar dalka laga tarxiilay Miguna Miguna oo uu fadhigiisu yahay wadanka Canada ayaa sheegay in doorasahda guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan uu u tartami doono xilka guddoomiyaha magaala madaxda wadanka ee Nairobi.
Mr. Miguna, ayaa dalka laga tarxiilay bishii Saddexaad ee sanadkii 2018-kii, bilo ka dib markii uu hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga u dhaariyay madaxweynaha shacabka Kenya, ayaa rumeysan in uu weli yahay muwaadin Kenyaan islamarkaana xaq dastuuri u leeyahay inuu tartamo.
Dr. Miguna oo doorashadii guud ee sanadkii 2017-kii isu soo sharraxay xilliga barasaabka Nairobi balse looga guuleystay, ayaa sheegay in uusan weli meesha ka saarin hammigiisa ah in uu u adeego dadweynaha caasimadda dalka.
“Waxaan damacsanahay inaan u tartamo kursiga barasaabka ismaamulka Nairobi, waxaan ahay codbixiye diiwaangashan, waana u tartami karaa xilka guddoomiyaha Nairobi,” ayuu Miguna yiri xilli uu xalay wareysi siiyay teleefishinka maxalliga ee KTN.
Mar la weydiiyay Miguna xisbiga uu damacsan yahay inuu u adeegsado xilka guddoomiyaha Nairobi, ayuu daboolka ka qaaday inuusan si madax bannaan u tartami doonin.
Hasa ahaate uu dhawaan soo bandhigi doono xisbiga siyaasadeed ee uu hoos tagi doono.
Waxaa uu dhanka kale weli ku adkeysanayaa inuusan cidna uga baahneyn oggolaansho uu dalka dib ugu soo laaban karo maadaama uu muwaadin xuquuq leh yahay.
Miguna Miguna ayaa dhowr jeer hore laga hor istaagay inuu dalka dib ugu soo laabto, inkaasto uu haystay amar maxkamadeed oo u oggolaanayo inuu wadanka imaado.