Midowga Yurub oo soo jeediyay in deganaansho ku meel gaar la siiyo barakacayaasha Ukraine

0
734

Qaybta fulinta ee Midowga Yurub, ayaa soo jeedisay in ururka uu siiyo xuquuq ku meel gaar ah dadka ka soo cararaya Ukraine.
Waxaa loogu talagalay in lagula tacaalo soogalootiga tirada badan ee gudaha Midowga Yurub, sharciga cusub wuxuu siin doonaa xaquuq la mid ah dadka reer Ukraine ee ku nool dhammaan 27-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub, wuxuuna u oggolaanayaa inay helaan oggolaanshaha joogitaanka iyo sidoo kale helitaanka shaqo iyo daryeelka bulshada.
Soo jeedinta waxaa ka hadli doona wasiirrada arrimaha gudaha ee Midowga Yurub maalinta Khamiista ee toddobaadkan.