Midowga Yurub oo kulan degdeg ah ugu yeeray madaxda Serbia iyo Kosovo

0
257

Midowga Yurub ayaa hoggaamiyaasha waddamada Serbia iyo Kosovo ugu yeeray kulan degdeg ah oo lala yeelanaya.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in lagu soo afjaro iskudhacyo rabshadeysan oo ku soo noqnoqday xuduudda labada dal.
Madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay inuu kulamo degdeg ah la qaadanaya Ra’iisul Wasaaraha Kosovo ,Albin Kurti iyo madaxweynaha Serbia Aleksandar Vucic.
Waxaa uu qorshuhu yahay in kulanka uu maanta ka qabsoomo caasimadda dalka Belgium ee Brussels .
Midowga Yurub ayaa sanado waday wada hadallo lagu heshiisiinaya Serbia iyo Kosovo in kastoo aan guul wayn laga gaarin.