Midowga Yurub oo Kenya siiyay amaah dhan 11.5 bilyan oo shilin

0
258

Midowga Yurub ayaa dowladda Kenya siiyay amaah lacageed oo gaaraysa 11.5 bilyan oo shilin oo u dhiganta 72 milyan oo Euros.
Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa barnaamijyada dhanka deegaanka , maamul wanaagga , nabad galyada iyo xasiloonida.
Waxaa heshiiska deyntan lagu bixiyay magaalada Brussels ee dalka Belgium ku wada saxiixay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa dhanka kale soo dhaweeyay iskaashiga ka dhexeya Kenya iyo EU-da.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in amaahdan ay door wayn ka qaadan doonto in wadanka la horumariyo oo la wanaajiyo nolosha shacabka.
Mr .Gachagua ayaa sheegay in Kenya ay rajeynaysa inuu sii jiro xiriirka iskaashi ee kala dhexeya Midowga Yurub wuxuuna tilmaamay in maamulka madaxweyne William Ruto uu daneynaya sidii wada shaqeyntan sare loogu sii qaadi lahaa.
Waxaa uu sheegay in isagoo wakiil ka ah madaxweynaha dalka William Samoei Ruto iyo shacabka uu Midowga Yurub uga mahadcelinaya taageerada maaliyadeed ee uu ku bixiyo arrimaha horumarka wadanka.