Midowga Yurub oo cunaqabateyn saaray ehellada madaxweynaha Syria

0
203

Midowga Yurub ayaa cunaqabateyn ku soo rogay shakhsiyaad ka mid ah ehellada madaxweynaha dalka Syria Bashar al-Assad.
Dadkan ayaa ku eedeysan ku lug lahaanshaha soo saaridda daroogada iyo ka ganacsigeeda.
Golaha Yurub ayaa bayaan ku sheegay in 25-ka qof iyo Siddeeda shirkadood ee Syria ee xayiraadda la saaray badankoodu lagu bartilmaameedsaday gudbinta daawada Captagon ee ah mid la qabatimo oo ka shaqeysiisa hannaanka neerfaha.
Qoraalka waxaa ku cad in dakhliga ay soo xareeyaan shakhsiyaadkan iyo shirkadaha lagu taageero maamulka madaxweyne Bashar Al-Assad.
25-ka qof ayaa isugu jiro qaraabada Assad, hoggaamiyaasha iyo xubnaha kooxo lagu tilmaamay maleeshiyo, ganacsato iyo kuwo kale oo xiriir la leh militariga iyo sirdoonka dowladda Syria.
Shakhsiyaadkan waxaa ka mid ah Wasim Badi al-Assad ,Samer Kamal al-Assad iyo Mudar Rifaat al-Assad.