Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweyne ee dalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray tallaabadii uu Ra”iisul Wasaare Rooble xilalka ugu qaaday Saraakiil ka tirsaneyd Hay’adda NISA.
Waxaa ayfariin u direen Madaxweynaha Soomaaliya oo u muddo xileedkiisu ku ekaa 8-dii bishii Labaad ee sanadkan Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Ugu horeyn Golaha Midowga ayaa taageeray go,aankii uu Ra”iisul Wasaare Rooble xilalkii ugu qaaday Madaxii Shaqaalaha ee hay’adda NISA Cabdullaahi Kulane (Jiis Mariixaan) iyo Taliyihii NISA ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Cabdiwahab Sheekh.
Tillaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii shalay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho loo diiday in uu ka safro guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Nuur Macalimow.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ay soo saareyn midowga musharaxiinta madaxweynaha 2021-2025.