Midowga Musharixiinta oo ka hadlay habsami u socodka doorashooyinka ka socda Soomaaliya

0
344

Kulamo saddex maalmood magaalada Muqdisho uga socday midowga musharaxiinta Soomaaliya ka dib ayaa waxaa ay ka soo saareen warsaxaafadeed ay uga hadlayaan sida ay ku bilowdeen doorashooyinka aqalka Sare & shirka ay yeelanayaan golaha wadatashiga qaran ee ka furmaya dhawaan magaalada Muqdisho.
War-Saxaafadeedka Midowga Musharixiinta oo ka kooban laba bog ayaa waxaa walaac looga muuijiyay sida ay ku bilowdeen doorashooyinka dalka Soomaaliya ka socda, sidoo kalena ay u taagan yihiin xaqiijinta sidii ay dalka uga qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda habraac heshiis lagu yahay si dalkaasi looga badbaadiyo xasilooni daro siyaasadeed oo hor leh.
Sidoo kale Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in habraaca doorashooyinka Aqalka Hoose ay noqdaan kuwo daahfuran oo wadar ogol ah, sidoo kale shirka golaha wadatashiga qaran la ballaariyo, iyaga oo soo jeediyay Afar qodob, kuwaas oo kala ah.
1- In 135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaanada aqalka hoose.
2- In doorashada ay ka dhacdo goob amnigeeda sugan yahay oo booliska federaalka, dawlad-goboleedka iyo AMISOM ka wada qayb qaataan.
3- In kaalinta dawlad-goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo habsami- u-qabashada doorashooyinka.
4- In bulshada rayidka ah, ururrada caalamiga iyo xubnaha beesha caalamka ay goobjoog ama korjoog ka ahaadaan habsami u socodka doorashooyinka.
Midowga Musharixiinta ayaa sido kale baaq u diray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xussein Rooble ugu baaqayna in uu ballaariyo kulanka ay ku ballansan yihiin madaxda madasha watashiga qaran si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah, dalka Soomaaliya na u horseedda xasilooni siyaasadeed.