Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla meel dhigay qorshaha lagu beddelayo howlgalka (AMISOM), iyadoo lagu beddelayo howlgal cusub ee loogu magac daray ATMIS.
Howlgalkan oo qorshuhu yahay inuu bilowdo bisha afaraad ee sanadkan ayaa oggolaansho ka haysta labada dhinac ee guddiga Nabadda Midowga Afrika iyo sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga, Bankole Adeoye, ayaa sheegay in howlgalka cusub uu diiradda saari doono in si buuxda mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya.
“ATMIS-ku waxa uu boqolkiiba 100 la jaan qaadayaa qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya, Tani waxay ina tusinaysaa in istiraatijiyadda Dowladda Soomaaliya iyo ujeedada ATMIS-ka la is waafajin doono,” ayuu yiri Bankole Adeoye, oo booqasho rasmi ah ku tagay Muqdisho.
Danjire Adeoye oo kulamo la qaatay Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in hannaanka lagu hagayo howlgalkan uu yahay ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu yeelan doono ciidan guur guura oo si degdeg ah u burburin kara Al-shabaab iyo kooxaha hubeysan ee caqabadda ku ah amniga iyo kala dambeynta Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Midowga Afrika “Howlgalka ATMIS wuxuu yeelan doonaa ciidan guur guura oo burburiya...