Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya AMISOM ayaa sheegay inay billaabeen baaritaan ku saabsan dhacdadii lagu dilay todoba qof oo rayid ah, taasoo dhacday deegaanka Golweyn oo hoostaga Degmada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka shacabka ah ee dilkooda lagu eedeeyay AMISOM ayaa u badnaa beeraley, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoog u ahaa dhacdadan iyo qaar ka mid ah eheladooda oo warbaahinta la hadlay.
AMISOM ayaa sheegtay in deegaanka Golweyn ay dagaal kula galeen Xubno ka tirsan Ururka Al-shababaab oo weerar ku soo qaaday kolonyo gaadiidkooda ah.
Natiijada ka soo baxda baaritaankaan ayay AMISOM sheegtay inay u soo bandhig doonto sida ugu dhasiyaha badan si loo ogaado Sababta dadkaas Shacabka ah loo dilay.
Dadka lagu dilay Gobolka Shabeellada Hoose Maydadkooda iyo kuwa ay dhaawacyo soo gaareen oo lagu eedeeyay Ciidamada AMISOM ayaa waxaa la geeyay Magaalada Muqdisho habeen ka hor,waxaana dowladda Soomaaliya ka dalbadeen eheladoodu in Cadaalad loo raadiyo dadkaas shacabka ah ee Xasuuqa lagu dilay.