Gabadh 17 jir ah oo ka mid ahayd ardayda sanadkan sameynaya imtixaanka qaran ee dugsiyada sare KCSE-da ayaa lagu dilay tuulada Kisasi ee ismaamulka Kitui ka dib markii uu dagaal dhex maray nin la sheegay in uu ahaa saxiibkeeda oo da’adiisa lagu sheegay 27 sano.
Booliiska tuulada kisasi ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu dhowr jeer mindi ku dhuftay gabadha taas oo sababtay dhimashada ka hor inta uusan isku dayin in uu isagana isdilo.
Eedeysanaha oo uu dhaawac ka soo gaaray qoorta iyo caloosha ayaa loola cararay isbitaalka magaalada Kitui si loogu daaweeyo.
Waxaa la sheegay in baaritaano lagu sameeynayo sido kalana maxkamad la soo taagi doono .
Dhanka kale Booliska ayaa sheegay in sheey dhiig ku daatay oo la rumeysan yahay inuu ahaa hubka dilka loogu geeystay gabadha ay ka heleen goobta.
Kiisaska la xariira tacaddiga jinsiyadeed ayaa ah kuwa ku oo badanaya gudaha dalka, taas oo ay khubaradu ku shegeen in ay sii xumaaneyso caafimaadka maskaxda.