Mid ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Kiambu oo shil ku geeriyooday

0
465

Waxaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kiambu uu shil gaari ku geeriyooday.
Shilkan ayaa saaka laga soo tabiyay inta u dhexeysa deegaanada Thika iyo Juja ee ismaamulka Kiambu.
Ezra Kabuga Kihara oo si magacaabid ah ugu biiray golaha hoose ee dowlad deegaanka Kiambu ayaa gaari u watay ay isku dhaceen mid ka mid ah baabuurta xamulka qaada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaari uu watay mas’uulkan oo dab ka kacay islamarkaana uu goobta ku geeriyooday.
Barasaabka ismaamulka Kiambu Kimani Wamatangi oo ka tacsiyadeeyay geerida wakiilka ayuu ku tilmaamay inuu ahaa hoggaamiye dhallinyaro ah oo ay ka go’anayd u adeegidda shacabka dowlad deegaankaasi.
Maydka ayaa la geeyay goobta maydadka la dhigo ee Montezuma Funeral Home home ee magaalada Thika.