Mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo ku dhintay shil ka dhacay Voi

0
235

Shil laga soo tabiyay magaalada Voi ee ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah wadayaasha mootooyinka.
Tani ayaa timid ka dib markii mootada uu ku dhacay tareen xamuul siday.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay xalay xilli wadaha dhugdhugleyda uu isku dayayey inuu gudbo khadka tareennada ee isgoyska Sofia .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wadaha uu isla goobta shilka ku nafwaayay waxaana meydkiisa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka wayn ee Moi oo ku yaalla magaalada Voi.