Mid ka mid ah shaqaalaha maxkamadaha oo loo xiray inuu laaluush qaatay

0
490

Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in la xiray eedeysane lagu magacaabo Cabdifataax Muxumad Xasan.
Shakhsigan oo ka howlgalo maxkamadda Makadara ayaa loo xiray inuu dalbaday laaluush lacageed oo dhan 400,000 oo shilin si uu u dardargeliyo daabacaadda dokumeentiyada maxkamadda ee la xiriira gal-dacwadeedka qofka cabashada u soo gudbiyay EACC.
Waxaa la xiray ka dib markii uu qaatay 50,000 oo ka mid ah lacagtii uu dalbaday in la siiyo.
Waxaa lagu wadaa in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.