Guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah howlwadeennada dowladda ismaamulka Mombasa.
Tarim Abdul Karim ayaa qof shacab ah ka dalbatay laaluush dhan 15,000 oo shilin si ay shati u siiso.
Waxaa ay hadda maraysa baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamadda la soo taagin.