Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyoodoy maareeyihi doorashada ee deegaanka Gichugu ee ismaamulka Kirinyaga.
Sarkaalka ayaa la sheegay inuu jooga ka dhacay xilli uu ku sugnaa xafiiska guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC laanteeda magalada Nanyuki ee dowlad deegaanka Laikipia.
Madaxa doorashooyinka ismaamulka Kirinyaga Jane Gitonga ayaa sheegtay in sarkaalkan uu Nanyuki u tagay inuu qoyskiisa wakhti la soo qaato ka dib markii ay soo dhammaadeen inta badan howlihii doorashada.
Sarkaalka ayaa sidoo kale doonayay inuu shalay dib ugu soo laabto magaalada Kirinyaga.
Markii uu tagay xafiiska IEBC ee Nanyuki ayuu sara jooga ka dhacay isagoo xafiiska ku sugan, waxaana la sheegay inuu ku geeriyooday markii la geeyay mid ka mid ah xarumaha caafimaadka.
Mrs.Gitonga ayaa sheegtay in 57 sano jirkan uusan waligiis ka sheegaan xanuun, sidaas darteedna baaritaan lagu ogaan doonaan sababta dhimashadiisa.