Mid ka mid ah musharraxiinta Meru oo loo haysto lacago la dhacay

0
502

Waxaa xabsiga ku jira mid ka mid ah siyaasiyiinta u tartamaya xilalka wakiillada deegaannada hoose ee MCAs ee Meru.
Benson Thuranira Kathiai ayaa ku eedeysan inuu ka mid yahay koox si xeeladaysan dukaamada M-Pesa uga dhacday in ka badan 415,000 oo shilin.
Waxaa eedda qayb ka ah inuu hoggaamiyo kooxda isugu yeerta ‘Confirm’ oo ka howlgasho ismaamulka Nakuru.
Waxaa uu saldhigga ku sii jiri doonaa ilaa 30-ka bisha Lixaad ee sanadkan xilligaasi oo uu qorshuhu yahay in la soo taago maxkamadda Nakuru sida laga soo xigtay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Thuranira ayaa doonaya inuu noqdo wakiilka shacabka deegaanka hoose ee Muthara ku matala golaha Meru.
Xarigiisa ayaa yimid ka dib cabasho badan oo ka soo yeertay dadka ka ganacsado adeegga M-pesa ee lacagaha la isugu diro.
100,000 oo shilin ayuu ka dhacay labo xarumood oo ku yaalla Nakuru, halka 135,000 shilin uu kala baxsaday Shauri Moyo.