Mid ka mid ah laba nin oo ay dowladda Mareykanka dul dhigtay hal milyan oo doolar oo lagu qabtay Garissa

0
675

Mid ka mid ah labo nin oo baxsad ahaa oo ay si wayn ugu raadjoogeen dowladaha Kenya iyo Mareykanka ayaa lagu soo warramayaa in lagu xiray magaalada Liboi ee ismaamulka Garissa.
Waxaa sidatan ku warramaya wargeyska maxalliga ee Daily Nation ee ka soo baxa Kenya.
Qabashada ninkan ayaa ku soo aadeyso afar cisho un ka dib markii agaasinka waaxda dambi barista dalka ee DCI-da iyo safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si wayn loogu faafiyay warbaahinta.
Hasa ahaate waxaa ay booliska wali ku raadjoogaan, Cabdi Xuseen Axmad oo ay wada socdeen Saalax
Raggan oo mid ka mid ah magaciisa lagu sheegay Badru Cabdulcasiis Saalax ayaa la qabtay xilli ay isku dayayay inuu u gudbo wadanka Soomaaliya oo Kenya daris la ah.
Waxaa ay raggan ku eedeysan yihiin ugaarsiga duurjoogta iyo ka ganacsiga daroogada .
Warkan ayaa laga soo xigtay ilo ka tirsan ciidamada booliska ee Kenya.
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay shaaciyeen sawirrada iyo magacyada eedeysanayaasha kuwaas oo lagu faafiyay warbaahinnada.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay safaaradda Maraykanka ee Kenya ay ballanqaaday in 116 milyan oo shilinka dalka ah oo u dhiganta hal miilyan oo doolar siin doonta ciddii keenta xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto raggan.