Mid ka mid ah ehellada canug indhaha laga saaray oo la xiray 40 sano

0
299

Maxkamadda ayaa xukun xabsi oo 40 sano ah dul dhigtay Alex Ochogo oo ka mid ah ehellada canug yar oo lagu magacaabo Baby Junior Sagini oo horay indhaha looga soo tuuray.
Tani ayaa timid ka dib markii qofkan lagu helay inuu xadgudubkan u gaystay canugga.
Pascipicah Nyakerario iyo Rael Nyakerario oo iyagana ka mid ah ehellada Sagini ayaa lagu kala xukumay 10 iyo 5 sano oo xabsi ah.
Waxaa xukunka soo saartay garsooraha maxkamadda ismaamulka Kisii,Christine Ogweno.
Waxay garsooraha dhanka kale hay’adaha baniaadannimada ka codsatay inaynan hilmaamin daryeelka canugga la dhibaateeyay.