Microsoft waxay ugu dambeyn soo afjaraysa adeeggii macaamiisha ee nooca Internet Explorer.
Barnaamijka Internet Explorer ayaa la adeegsanayay muddo 27 sano ah.
Waxaana adeeggaan ay shirkadda Microsoft billowday sanadkii 1995-tii.
Waxay qorshahan shaacisay sanadkii hore ,iyadoo Internet Exlporer 11 ka dhigtay adeegeedii ugu dambeeyay.
Internet Explorer waxaa markii ugu horreysay sanadkii 1995 lagu soo bandhigay hannaanka Windows ee kombiyuutarrada caadiga ee Desktop wuxuu 2004 gaaray boqolkiiba 95 ee suuqa intarneetka .
Hasa ahaate hadda waxaa ka isticmaal badan Google Chrome,Apple’s safari iyo Mozilla Firefox.
Macaamiisha weli doonaya inay sii isticmaalaan Microsoft waxaa loo tilmaamaa Microsoft Edge oo sanadkii 2015 lala billaabay windows 10.
Isticmaalka intarneetka ee moobeelada iyo tablet-yada ayaa qabsaday desktop-ka adduunka markii ugu horreysay bishii Oktoobar ee sanadkii 2016-kii, sida ay sheegtay shirkadda madaxa bannaan ee falanqaynta ee StatCounter.
Shirkado kale oo suuqa kula loolamaya Microsoft kuwaas marba marka ka dambeysa soo saarayay adeegyo ay bulshada u riyaaqeen, taas oo keentay in Microsoft adeegeedii duqooway ee Internet Explorer ay soo afjarto.